|



| |
Ujeedadeenu
waa in aan u adeegno dhammaan macamiisha ku kala abtirsada jinsiyada iyo wadamo
kala duwan ee ay haysato dhibaato sharci, inaga oo siineyna adeeg macquul
ah oo ay weheliso qiima jaban. SEELEY LEGAL SERVICES P.A waxaa la
aasaasay sanadii 1990, waxaa albaabka u furay William Seeley.
Adeegyada Tarjamada
Luuqada: Marka ay lagama maarmaan noqoto waxaanu heysanaa turjubaano
si quman ugu hadla afafka sida: Lao, Hmong, Chinese, Vietnamese, Somali iyo
Spanish. Waxaanu horumar la sameyney mawaadiniinta asalka ah ee ku hadla
luuqadahaas, sidoo kale, waxay iyana yimaadaan xafiiskeena si ay noogu qabtaan
adeeg tarjamo haddii loo baahdo.
William S. Seeley,
Attorney at Law
Xirfad kooban: Waxa uu ka baxay Jaamacada Hamline ee
Kuliyada sharciga sanadu markey aheyd 1980. Waxa uu sharcigiisa qareenimo ka
qaatey gobalka Minnesota sanadii 1980 oo uu ilaa maantana ku shaqeeyo. Waxa uu
shahaadadiisa 1aad ee heer Jaamacadeed ka qaatey Kolajka la yiraahdo Gustavus
Adolphus, isaga oo ku takhasusay Speech Communication.
Waa xubin ka tirsan ururka Trial Lawyers Association. Waa
madaxii tafatirihii hore ee jariidada Hamlina Law Review
Waxa uu ku sidkan yahay Kuliyada Carlson School of
Management ee Jaamacadda Minnesota.
Waxa uu iska wax u qabso ugu soo shaqeeyey Peace Corps
sanadihii (1966-68) ee wadanka India; waxaa uu ku safrey wadamo badan oo ay ka
mid yihiin China, India, Japan, South Korea, France, iyo U.K. Laga soo bilaabo
1990 ilaa manta waxa uu madaxweyne ka yahay hay’adda sharciga ee Seelay Legal
Services, P.A., taas oo ku hawl gasha dhinacyada sharciga ee dhaawaca shilalka
ama khaaska, la talinta hay’adaha waaweyn iyo sharciga ganacsiga; qorshaha dhul
gadasho iyo saami sharci. Seeley hore waxa uu ahaa qareen hay’ada Eastlund,
Solstad iyo Hutchinson, Ltd law sanadihii 1980-90, waxa uuna aad ugu takhasusay
sharciga ganacsiga, qandaarsyada, sharciga degaanka, la gorgortanka qoraalka
amaaheed, iyo dhaawacyada shilalka ama khaaska.
SEELEY LEGAL WAXA AY KU TAKHASUSEEN DHINACYADA
SHARCIGA:
- Dhaawaca shilalka ama khaaska
- Hanti qaansheegasho kaaga timaado ee shil gawaari
- Sharci ganacsi iyo qawaaniin
- Dhaxalka, maaleysi iyo saami sharci
- Furiinka, taakulada qoyska iyo hanashada awlaada
- Sharciga Guryaha
- Xadgudubka sharciga jidadka iyo DWI ( Sakhrada oo
gaari ku wadid)
ARIMAHAN SOO SOCDA WAXA AY SI DHAB AH U QEEXAYAAN
ADEEGYADA SHARCI EE AANU QABANO, KUWAAS OO KOR KU TAXAN. QANCINTAADA DARTEED
WAXAAN ADEEGYADAN SHARCI EE QEEXAN KU TARJANEY LUUQADHA SOOMAALI, CHINESE IYO
LAO.
- DHAAWACA SHILALKA/ KHAASKA: Waxaanu masalnaa
macaamiisha ku dhaawacanta shil gawaari, mooto, dhaawac dhicid ama
simbaraxyo xun, dhaawac gubasho, ey ku qaniina, ama adiga oo lugeynaya gaari
ku duqeeyo. Dhammaan kharashkeena shaqo waxa bixinaya darawalka kale ama
ceymiskooda. Waxaanu ku sheeganaa 1/3rd (saddex meelood marka loo
qeybiyo meel) taasi oo ay ka bixinayaan qeybta kale ama ceymiskooda.
- HANTI QAANSHEEDASHO KAAGA TIMAADO EE SHIL GAWAARI:
Waxaanu masalnaa macaamiisha gawaarida leh ee ay dhibaato shil ka soo
gaarto darawalada kale. Waxa ay ku xiran tahay xaqiiqda xaalada taagan
markaas, waxaanu kugu masali karnaa 1/3rd xubinimadaada heyadeena
iyo qiimaha yaal ama saacad ahaan iyo qiimaha yaal markaas.
- SHARCI GANACSI IYO QAWAANIIN: Waxaanu caawinaa
macaamiisha ganacstada ee sameysanaya ganacsi cusub sida C,S ama Limited
Liability corporation; diyaarinta heshiisyada iskaashiga, isku dubarida
qoraal sharci ee sicir ama hanti ganacsi oo la sii iibin, diyaarinta
qandaraaska, ijaarka rugaha ganacsiga iyo qoraalada sharciyo ee u baahan
yahay ganacsi; tarjamada iyo diyaarinta heshiisyada aan u baahneyn in lala
tartamo ama heshiis kale laga daba sameysto. Waxaanu ku masalnaa macaamiisha
sharciga ganacsiga.
- DHAXALKA, MAALEYSI IYO SAAMI SHARCI: Waxaanu
caawinaa maamiisheena ku jira qorsha dhul, taas oo ay ku jirto nooca ugu
wanaagsan ee dhaxal ama maaleysi uu ku qeybiyo qorshaha ugu yar ee macquulka
ah ee uu canshuurta ku dhiibo, iyaga oo magacaabaya ruuxa u haraya hantida.
Waxa ay ku xiran tahay baahidaada gaarka ah, waanu kuu qori karnaa qoraal
khaas ah ee dhaxalka/maaleysiga sharcigiisa oo aad ku qeybineysid hantida
dhulkaaga oo ku aad ku dhaxalsiineysid marwadaada/ odaygaaga, caruurtaada,
ilmaha caruurtaadu dhalaan, meelaha aad sadaqada ku baxsatid…… iyo maal
galin rabaayadaada aad jeceshahay haddii ay jirto.
- FURIINKA, TAAKULEYNTA QOYSKA IYO HANASHADA AWLAADA:
Waxaanu ogsoonahay in uu aad u xanuun badan yahay furiinka. Haddaba
aanu ilaalino danahaaga gaarka ah xilliga adag ee aad qoyska kala maqan
tihiin. Waxaanu qiimeyneynaa dakhligaaga/eeda, hantida, daryeelka lagaaga
baahan yahay…… ama sharciyada xeerka qoyska kaaga baahan karaan…. Furiin aad
heshid kaligaa, ama labada dhinac ka yimaada iyo awlaada hanshadeda ee
daryeelka u baahan; iyo in aad bixisid taakulada qoyska oo macquul ah ( ama
in aaney ku jirin ku tiirsanaan waxa ku taxaluqa waxbarshada iyo in aaney ku
jirin wax aad horey u shaqeysatey/ ama ay u shaqeysatey); waxaanu si is
le’eg u qeybinaa hantida idnka dhaxeysa.
- SHARCIGA GURYAHA: Waxaanu diyaarinaa hawlaha
heshiiska kala gadashada guryaha degaanka iyo ganacsigaba. Labadaba waanu
qiimeynaa ama diyaarinaa heshishkooda iibka; waxaanu kuu masalnaa maalinta
aad la wareegeysid, waxaanu la shaqeynaa qiimeeyayaasha go’aamiya qiimaha
macquulka ah ee suuqa, haddii ay ahaan laheyd guryaha degaanka ama
ganacsigaba; waxaanu kaa saacideynaa in aad heshid caymiska lahaanshaha
gurigaaga, sidoo kale kuu qorno iyo in aanu kuu xafidno hawlahaada sharci
xilwareejineed.
- XADGUDUBKA SHARCIGA JIDADKA IYO DWI (sakhrada oo
gaari ku wadid): Haddii lagu siiyo ticket DWI, ama traffic ticket,
waxaanu kaala talineynaa arimaha la taxaluqa maxkamada, taas oo ku saleysan
xaalada dhabta ah ee taagan, iyo wixii laysankaaga kuugu hormarey ee
recordka kuugu jiray. Waxaanu kugu masali doonaa maxkamad kasta iyo sharci
ee xaaladahaas aad ku jirtid, kolkaas oo aaney mudneyn in aad meel wax isla
dhigtaan qareenka dowlada.
Haddii aad u baahan tahay su’aalo ku saabsan Legal
services ay bixiyaan SEELEY LEGAL SERVICES, fadlan naga soo wac 612-379-2440 or naga soo e-mail garey
seeleylegal@hotmail.com. Fadlan xasuuso: Ma bixin karno la talinta sharciga
taleefanka ama e-mailka ilaa in aan wada galno heshiis aad nagu siineysid
kharashka shaqo. Aad baanu ugu faraxsanahay in aan kaala hadalno khadka
taleefanka xaalada baahi ee sharci ama soo e-mail garey haddii aad go’aansatid,
waxaanu awoodi doonaa in xal u helno dhibaatadaada. Arinta si kastaba ha ahaatee,
waxanu kaa dooneynaa in aad timaatid xafiiskeena, si aan u sameyno heshiis noo
ogalaanaya in aan ku masalno, ama noqono qareenkaaga.
Waad ku mahasan tahay daneyntaada aad daneyneysid la
talinta SEELEY LEGAL SERVICES, iyaga oo daboola baahida sharci ee kumanaanka ku
nool nawaaxiga magaalooyinka mataanaha ah, ama gebi ahaan Minnesota, sidoo kale
wixii ka baxsan gobalka macaamiishiisa ganacsi ama danaha gaarka ah ee Minneosta
ilaa 1990.
|